1 Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa guud ahaan shacabka Somaliland ka codsaday in ay codkooda siiyaan murrashixiinta ka sharaxan xisbiga Kulmiye, si uu u sii wado himilooyinkii qaranka ee xisbigaasi mudadan dheer ka soo shaqaynaayay.
2 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Kulan Ku Saabsan U Diyaar Garowga Doorashooyinka La Qaatay Taliyayaasha Ciidamada Dalka, Hoggaannada iyo Saraakiisha.
3 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xadhigga ka jaray Dhaam-biyood weyn oo xukuumaddu ka hirgelisay deegaanka Dhimbiriyaaale oo katirsan degmada Sallaxley.
4 Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo saartay war-murtiyeed ay caalamka tafaasiil kaga siisay doorashooyinka Somaliland iyo xasaradaha ka oogan gobolka Geeska Afrika.
5 Wasiirka wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kulan kula qaatay Magaalada Hargeysa Masuuliyiinta Safaaradaha Caalamka ee fadhigoodu yahay Caasimadda Somaliland.
6 Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa dhambaal hambalyo ah ku bogaadisay Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka, Donald Trump.
7 Wasiirka Waxbarasahda iyo maamulka gobolka Awdal ayaa soo kormeeray dugsi ku yaala galbeedka magaalada Boorama oo ay waxyeelo u gaysteen dabaylo.
8 Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyada Sacad Cali Shire ayaa kormeer ku tagay Marsada dekadda Berbera iyo kastamka ee xarunta gobolka Saxxil.
9 Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa hore Usoo dhigtay fasaxii waxbarashada oo ku beegnaa 10-11-2024 islamarkaana fasaxday dhamaan goobaha Waxbarashada Dalka fasaxaasi oo ka bilaabmi doona 7-11-2024 oo ku beegan Maalinta Khamiista Ee todobaadkan aynu ku jirno.
10 Qaar ka mid ah culimada wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland iyo imaamyada Masaajiddada ayaa bulshada u soo jeediyay farriimo wacdi iyo waano ah xilliga lagu gudo jiro olalaha doorashada.
11 wasiir kuxigeenka wasaaradda warfaafinta Somaliland Siciid Xasan Habane iyo guddoomiyaha Ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja ayaa magaalada Boorama ugu qabtay saxafiyiinta gobolka Awdal tababarkaa soo ku saabsanaa ka war bixinta xiliga doorashada.
12 Wasiirka Wasaaradda H. Maalgashiga iyo Warshadaha JSL Mudane Cabdirisaaq Ibrahim Maxamed ayaa xafiiskiisa ku Qaabiley wefti maalgashato ah oo ka socdey shirkada Emad alnawaas trading oo ka socday dalka Jordan.
13 Komishanka Doorashooyinka Qaranak JSL ayaa tababar u furay qaybtii labaad ee hawlwadeenada ka shaqayn doona goobaha cod-bixinta ee doorashada Madaxtooyada & Xisbiyada Qaranka.
14 Xubin ka tirsan Goobjoogayaasha caalamiga ah ee doorashooyinka oo dhawaanahan ba ku sugnaa Somaliland ayaa kulan la qaatay agaasimaha guud wasaaradda warfaafinta.
15 Agaasimaha guud ee Wasaarada Hormarinta biyaha Somaliland iyo maamulka gobolka gabiley ayaa xadhiga ka jaray dhaam biyood wayn oo wasaaradu ka hirgalisay deegaanka ijaara ee gobolka gabiley
16 Xubno ka tirsan golaha Wasiiradda iyo Mas'uuliin kale ayaa booqday Fadhiisimaha Ciidamada Qaranka iyo kuwa Madaniga ah.
17 Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Md Maxamed Cabdilahi Ducale ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti sare oo ka socday Wasaaradda Arimaha Dibada ee Dalka Holland (Netherland).
𝗪𝗮𝘅𝗮 𝘄𝗮𝗿𝗯𝗶𝘅𝗶𝗻𝘁𝗮𝗻 𝘀𝗼𝗼 𝘂𝗿𝘂𝘂𝗿𝗶𝘆𝗮𝘆 𝘅𝗮𝗳𝗶𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗱𝗮𝗯𝗮𝗴𝗮𝗹𝗸𝗮 𝘄𝗮𝗿𝗮𝗿𝗸𝗮 𝗲𝗲 𝗪𝗮𝗸𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗪𝗮𝗿𝗮𝗿𝗸𝗮 𝗲𝗲 𝗦𝗢𝗟𝗡𝗔
0 Comments